Waxbarashada oo Loo Adeegsado Nabad Waarta iyo Si Loo Helo Bulsho Colaadda Ka Adkaysata – Education For Sustainable Peace and Conflict Resilient Communities

Buuggan la yidhaahdo “Education For sustainable peace and conflict resilient communities” Waxbarashada oo loo adeegsado nabad waarta iyo si loo helo bulsho colaadda ka adkaysata” .

Buugga waxa qortay Borislava Manojlovic, waa kaaliye Barafasoor oo aqoon u leh arrimaha xallinta colaadaha iyo nabad dhiska. Buugga waxa ay soo saartay qoraagu sannadkii 2018-kii, waxa uu ka koobanyahay ku dhawaad laba boqol oo bog.

Waa toddoba cutub oo mid waliba mawduuc faaqidayo oo ku wada wareegaya sida ay waxbarashadu u noqon karta jid dhaliya xal waara oo colaadaha bulshooyinka ee diinta, dhaqanka, awoodaha ama arrimaha khayraadka la xidhiidha lagaga bixi karo.

Ugu horreyn waxa ay kala bayaaminaysaa laba shay oo kala ah Learning “Barasho” iyo Education “Waxbarasho”. Barashadu waa wax aadmigu markii uu uurka hooyadii galay bilaabay oo ilaa inta uu noolyahay u soconaysa. Uma baahna manhaj iyo xeerar gaar ah. Waxbarashada ama education-ku se waa nidaam dejisan oo abbaar cayiman iyo meel u jeed leh. Waxbarashadaas sidee ayay haddaba u noqon kartaa mid nabad waarta ka dhex abuurta bulshooyinka colaaduhu saameyeen isla markaana aanay dhicin in dib ay u aloosmaan colaadahaasi.

Qoraagu waxa ay soo bandhigaysaa dhibaataada colaaduhu in ay salka ku haysa aragtida “Innaga” iyo “Iyaga”. Laba dhinac oo midiba midka kale u arko cadow, xuquuqdiisa kala maqan, ka liita, iyo dhinaca kale oo sidaas si la mid ah qaba.

Waxa xiiso leh oo ay ka warramaysaa doorka taariikhda la wariyo iyo siyaasaddu ku leedahay bulshooyinka ka soo doogay colaadaha ama nabadda curdinka ah haysta. Waxa ay ka warramaysaa sida ay isku khilaafaan waxbarashada carruurta ee dugsiyada loogu dhigo iyo midda guryohooda lagu baro iyo guud ahaan sida taariikhda taban ee aan la rabin in laga warramaaa ay isdiiddo ugu abuurto qofka iyo summaddiisa.

Tusaale ahaan in qofka waalidkii wax uga warramo, wax kale dugsiga loogu dhigo, waxay keenaysaa in nabaddaasi aanay noqon mid cago adag ku taagaan. Waayo labadaa warinood waxa ay wali sii joogteynayaan aragtidii “Annaga” iyo “Iyaga” oo qof waliba taariikhda dhinac ka akhrisanayo. Haddii aan sooyaalka si loo wada aragna, xasillooni waartaa waa mid aan la filan karin.

Macallimiinta laftooda mararka qaar waxa ku dhaca in ay ka jawaabi kari waayaan waydiimaha isdiidooyinka ee ardayda qaar ay waydiiyaan.

Waxa ay qoraagu soo jeedinaysaa sooyaalka in dhinacyada colaaduhu ka dhexdhaceen in ay helaan manhaj dhex ah oo si wada jir ah labada dhinac ee colaaddu dhex martay isugu raacaan si meesha looga saaro taariikhaha “Innaga” iy “iyaga” ku salaysan ee laf dhabarta u ah colaadaha. Waxa ay tusaale u soo qaadanaysaa Jarmalka iyo Faransiiska oo 2007 curiyey aragti cusub oo ah ardayda dugsiyada sare ee labada dal isjeclaysiinaya korna loogu qaadayao Yurubnimada. Manhajka sooyaalka ka warramaya ee labaad ay mideeyaan. Waxa uu dhinac waliba soo dirsaday 10 Sooyaal aqoon. Ujeeddadu waxa ay ahayd in carruurta labada dal helaan xasillooni waarta iyo isfaham sooyaal oo ay si u wada arkaan.

Khubaradii 20 ahayd ku dhowaad boqolkiiba 80 ayey isku si u qoreen oo labada dhinacba isku waafaqsanyihiin. Arrimo dhowr ah oo sida Jarmalku u arko Midawgii Sofiyatka iyo Hantiwadaaggii iyo Sida Faransiisu u arko Maraykanka iyo awood ballaadhsigiisii ayey ku kala duwanaadeen.

Waxa ay qoraagu ka warramaysaa sida aanay ahayn in waxbarashada lagu koobo dugsiga, ardayga iyo macallinka. Ilmuhu keliya dugsiga kama barto aqoonta ayey leedahay. Waa in la abuuro madalo waalidka, macallinka iyo guud ahaan bulshadu ku kulanto.

Waxyaalaha kale ee ay faah-faahinayso waxa ka mid ah sida loogu baahanyahay in waxbarasho tayo leh, loo simanyahay oo la heli karo ay door uga qaadato in colaadaha laga baxo oo nabad waarta la abuuro.

Waxa ay ka warramaysaa sida haweenka oo wax la baraa ay sees adag ugu tahay dhiska nabad waarta. Bulshooyinka laga badanyahay oo aan fursad la siin sida ay halis colaadeed u tahay iyo in ay muhiim tahay in miisaaniyad loo qoondeeyo hirgelinta waxbarasho loo simanayahay ayey faaqidaysaa.

Doorka Hal-abuurk, suugaanta, farshahxanka iyo guud ahaan fanka ama Art-ku uu ku leeyahay in la helo bulsho colaadda ka adkaysata oo hesha nabad waarta. Aragtiyaha ay soo jeedinayso ee doorkaa ciyaari kara waxa ka mid ah in dhinacyada colaaduhu dhex mareen loo abuuro madallo ay ku kulmaan oo fanka io farshaxanka ku soo gudbiyaan sooyaalkii colaadaha. Waxa ay keenaysaa in labadii dhinac ee “Innaga” iyo “Iyaga” uu mid ka kale dareenkiisa ogaado. Dhibta colaadaha ee ugu waaweynina waa in dhinac waliba tiisa haysto. Madalahani se waxa ay keenayaan in la isu garaabo, la isla dareemo oo xal waara la isla helo.

Saddaam Xuseen Carab

www.buugwadaag.net