Soo Bixitaanka Afrika – Emerging of Africa

Buuggan waxa la yidhaahdaa Emerging Africa,waxaana qoray Dr. Kinngsley Chiedu Moghalu. Waxa aan halkan idin ku la wadaagi doona wixii iiga  baxay dhiganahan.

Buugani waxa uu ka kooban yahay afar qaybood oo waaweyn oo ah 390 bog.Waxa uu qoraagu diiradda ku saarayaa mustaqbalka iyo xaaladda dhaqaale ee Africa oo siyaabo badan wax looga qoray.

In badan waxa aynu maqalnay fikrado kala duwan oo aad u wanaagsan kuna saabsan horumarinta iyo caqabadaha ku gadaaman qaaradda Afrika.

Dr. Kinngsley Chiedu Moghalu,waxa uu si qoto dheer oo ka duwan hababkii hore ee loo qori jiray hannaanka horumarinta Afrika inoogu soo bandhigayaa buugiisan la yidhaahdo “Emerging Africa” kaas oo ku  dhiirrigelinaya sidii loo burburin lahaa shakiga ay ka qabaan  dadka Afrikaanka ahi aqoontooda, awooddooda iyo aragtidooda.

Aragtidan aynu xagga hora ku soo xusnay waa ubucda buuga Dr. Kingsley ee aad ka dareemayso dhammaan cutubyada uu ka kooban yahay buugani, Emerging Africa.

Dr. Kingsley waxa aad ka fahmaysaa in uu leeyahay waaya-aragnimo ballaadhan oo caalami ah taas oo awood u siinaysa in uu dejin karo khariidad ku saabsan qaabaynta dhaqaalaha Afrika iyo dib-u-cusboonaysiintiisaba.

Haddaba, si uu u muujiyo waddada ay Afrika ku gaadhi karto dhaqaale guuleysta waxa uu markiiba ina weydiinayaa su’aal ah: xaaladda edegaynta ee dunidu gashay (The State of the World/Globalization), waxa uu aaminsan yahay in aanay wali Afrika doorka edegaynta/globalization dhinacna kaga jirin isaga oo ka duulaya saddexdan qodob.

  • Fahanka halka ay Afrika kaga jirto edegaynta adduunka (globalized World)

Dr. Kingsley, waxa uu si adag u qiimaynayaa dhaqaalaha casriga ah ee ay keentay edegaynta adduunku in uu dhaawac weyn u geystay qaaradda Afrika.

Waxa uu aaminsan yahay in aanay Afrika marnaba wax faa’iido ah ka helin oo uu saamayn taban ku yeeshay isla markaana aanay dhex gelin karin xooggaga dhaqaalaha caalamka iyada oo aan soo xallin caqabadda qaaradda dhexdeeda ka jirta.

In kasta oo uu qoraagu uu Afrika ku ammaanayo xaaladda ay ku sugan tahay maanta [macroeconomics-ka]-Afrika in uu ka fiican yahay sidii uu ahaan jiray wakhti dheer ka hor.Tan macnaheeduna maaha in ay Afrika kaga qayb geli karto tartanka cududda dhaqaale ee adduunka laakiin wali waxa ay tahay fursad muhiim u ah.

Waxa halkan kaaga muuqanaysa aragti aad muhiim u ah oo Dr,Kingley uu qabo oo odhanaysa, in aan si fudud loo aqbalin fiditaanka ama edegaynta ay waddamada waaweyni wadaan markiiba.

Waxa uu sida oo kale taxliilinayaa aas-aaskii iyo halbeegyadan hay’adaha dhaqaalaha adduunku haysan jireen taariikh ahaan, in ay wali Afrika ku sii dhegan tahay. Maxaa yeelay, nidaamkaas oo imika wali Afrika badankeedu ku sii shaqayso waxa uu salka ku hayaa nidaamkii gumeysiga u adeegayay ee uu ku saleeyay dhammaan hay’adihii dawladaha Afrika. Edegayntu/Globalization waxa weeye waa hanaan cusub oo gumeysi oo aad loo qurxiyay (Neo-Colonialism).

Qaab dhismeedka hay’adaha dawladda iyo dhaqaaluhuba waxa uu u habaysan yahay qaab xatooyo oo khayraadka waddanka lagu qaadanayo (Extraction), halkii ay ahayd in ay qaab dhismeedka hay’adaha dawliga ahi u adeegaan ummadda(Intraction).

Marka la eego siyaasadaha dhaqaale ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha maaliyadda adduunku sida IMF waxa uu curyaamiyay kobocii dhaqaalaha wadamo badan oo Afrika ah; tusaale ahaan: korniin la’aanta ka muuqata ganacsiga xorta ah ee Afrika (Premature trade Liberalization)

Nidaamka ganacsiga xorta ah ee uu hormoodka u yahay ururka ganacsiga caalamku (World Trade Organization), wax faa’iido ah kama ay helin Afrika.

Ururkaasi waxa uu meesha ka saaray dakhliyadii ay waddamada Afrika ka heli jireen cashuurta tacriifada(Tax Tariffs), iyada oo aan la diyaarin il kale oo badasha is la markaana dakhli laga heli karo sida il dakhli oo la cashuuri karo

Waddamada reer galbeedku waxa ay ku riixeen waddamadii fuqarada ahaa in ay meesha ka saaraan dhammaan wax kasta oo ay u arkaan in uu caqabad ku yahay ganacsiga(Trade barriers) si waxa ay u soo dhoofinayaan aanay dakhli uga helin, khayraadkoodana ay si fudud ama qiime jaban ku helaan.Waxa uu leeyahay Dr. Kingsley, habkani caddaalada waa uu ka fog yahay.

Waddamada galbeedkuna waxa ay u isticmaaleen edegayntii/globalization-kii adduunka in ay mar kastaba iyagu faa’iidaan oo gacanta sare yeeshaan.

Haddaba, qoraagu waxa uu buuga ku sheegaya sidii habkan janjeedhka (One Sided) weyni ka muuqdo ay Afrika uga bixi lahayd isaga oo talooyin ku saabsan aragtida edeganta/globalization soo bandhigaya si loo difaaco masalaxada iyo xaaladda dhaqan-dhaqaale ee Afrika.Waxa uu sharxayaa arimahan:

  • Fulinta Isbeddel Dhaqaale oo Afrika ka bilawma

Qoraaga buugu waxa uu leeyahay,marka laga hadlayo isbeddel dhaqaale waa in la helaa aas-aas dhaqaale oo ku dhisan xaqiiq, fogaan-arageena mustaqbalka, xilli la dhamaystiri karo ujeeddada dhaqaale ee la leeyahay iyo aragti lagu hago.

Mid ka mid ah tusaalayaasha uu qoraagu soo qaadanayo waxa ka mid ah si loo sameeyo isbeddel dhaqaale waxa uu eegayaa xaaladda maaliyadeed ee suuqyada Afrika; Tusaale ahaan Nigeria waxa ay samaysay Micro-finances iyo bangiyo bixin kara amaaho aan wax dul-saar ah lahayn si loo siiyo dadka hindisayaasha ganacsi haya ama fursadaba.

Kenya waxa ay hirgelisay nidaam la yidhaa Safaricom oo dadka loogu dirayo deymaha iyaga oo aan bangiyada imanayn.Waa horumar fiican.

Waxa muhiim ah in la balaadhiyo suuqyada maaliyadda Afrika oo laga fogaado caawimooyinka ay wadamada waaweyni wadaan. Marnaba caawimo ka timaadda waddan kale ma noqon karto doorasho ama ikhtiyaar. Waa in laga fogaado in lagu tiirsanaado deymaha yaryar ee aan ixtiraamka ku dhisnayn laguna bixinayo meelo aan muhiim ahayn,shuruudo dan gaar ah u adeegayana lagu xidhayo.Tani waxa ay dishaa damiirka dadka iyo jiritaankoodaba.Waa in Afrika ay ku deddaashaa in ay iyadu isku tiirsanaato.

  • Joogteynta siyaasadaha dhaqaale iyo Istratijiyadooda

Arinta kale ee muhiimka u ah Afrika waxa ka mid ah in istraatiijiyad la sameeyo si loo gaadho horumar dhab ah.Waa in la dejiyaa qorshayaal ujeeddaysan oo cadcad is la markaana wakhtiyaysan.

Istaraatiijiyadu waxa ay inaga caawinaysaa sidii aynu ku heli lahayn waxyaabaha suuregelinaya waxa aynu u baahannahay iyo sida aynu ugu dhaqaaqayno dhinaca guusha.

Qoraagu waxa uu leeyahay, istaraatiijiyadu waxa ay inaga caawinaysaa sidii la isugu xidhi lahaa siyaasadaha la dejinayo, saamaynta ka dhalan karta deegaanka kaa baxsan, ku dhaqmidda qorshayaashada iyo natiijadooda.

Dr. Moghalu waxa uu aaminsan yahay isbeddelka dhaqaale ee Afrika waa in ay maamulaan hoggaan awood badan oo ujeeddadiisa garanaya. Hogaamiyahaasi waa in uu leeyahay aragti ku saabsan halka ay Afrika adduunka ka gelayso.

Waa in dadka loo fududeeyaa dhammaan wax kasta oo ay u baahan yihiin si ay ganacsiga kor ugu qaadaan oo la dhiirigeliyaa.

Qoraagu waxa uu leeyahay, haddii ay Afrika u baahan tahay in ay guul dhab ah gaadho waa in ay meesha ka saartaa waxa loo yaqaan bulshada caalamka oo ay muhiimadda iyadu isa siisaa. Haddii kale waxa la ahaan doona ku tiirsanayaal.

Qoraagu waxa uu leeyahay Afrika iyada ha loo daayo arrimaheeda.

Qoraagu inta ugu badan waxa uu tusaalayaashiisa ka soo qaadanayaan waddanka Nigeria halkaas oo uu u dhashay isla markaana ka shaqeeyo balse qaaradda Afrika oo ka kooban 54 waddan oo mid kastaaba leeyahay duruufihiisa dhaqaale lama damaanad qaadi karo in habkan uu qoraagu soo jeediyay ka shaqayn karo iyo in kale.

Maxamed Ibraahim Saleebaan

www.buugwadaag.net