Ku weyn Doorasho – Great by Choice

“Victory awaits him who has everything in order – luck people call it. Defeat is certain for him who neglected to take necessary precautions in time; this is called bad luck” Roald Amundsen

Buuggan Great by Choice waxa wada qoray Jim Collins iyo Marten T. Hansen oo caan ku ah wax ka qoridda arrimaha hoggaaminta ayaa mashruuc cilmi baadhis ah oo ay wadeen muddo sagaal sano ah oo bilawmay 2002-dii soona gabagaboobay 2011-kii, xilligaas oo suuqii maraykanka ee soo dhismayay uu ku yimi hoos u dhac aad u weyn, miisaaniyaddii xukuumadda maraykankuna waxa ay gashay dhinnaansho, weerraradii argagixiso ee 11-kii September, 2001-dii kaasi oo argagax geliyay dadwaynaha meel kasta oo ay joogaanba oo ay barbar socdeen isbeddel farsamo iyo tartan caalami ah oo adduunka oo dhan ah ayaa soo bandhigay daraasad qoto dheer oo wax weyn ka badashay aqoonta hoggaaminta.

Cilmi baadhistan waxa lagu soo diiwaan geliyay 20,400 oo shirkadood oo laga soo dhex xushay 7 shirkadood ee ugu guusha badnaa waddanka Maraykan. Cilmi baadhayaashu waxa ay akhriyeen todoba kun oo xogood oo ka warramaya taariikhda shirkadaahaas laga soo bilaabo maalintii la aas-aasay ilaa 2002-dii.

Arrimahaas oo dhami waxa ay keeneen sua’aashan fudud: maxay shirkadaha qaar u kobcaan xaaladaha murugsan (Thrive in uncertainty)? Markay la kulmaan jawi cakiran, markay asiibaan xoogag waaweyn oo xawaare dheere ku socda kuwaas oo aanay saadaalin karin ama xukumi karin, maxaa ka sooca shirkadaha guuleysta kuwa guuldarraysta?

Hadaba si su’aashaa jawaab waafiya looga helo, cilmi baadhayaashu waxa ay u xadhko xidheen in ay helaan shirkado ka soo bilaabmay xilli nugul, kobcay si ay u noqdaan shirkado waawayn oo aad u guuleystay, guulahaa is daba jooga ahna gaadhay iyada oo jawigu qasan yahay oo ay hadheeyeen quwado waawayn oo aanay maarayn karin. Dabadeedna waxaa la barbar dhigay shirkadahan koox kale (Control group) oo ku guul darraysatay in ay noqdaan shirkado waaweyn.

Waxa loo bixiyay shirkadahan “10X” sababta oo ah may horumarin oo kali ah runtii se way kobceen. 10X kastaa waxa uu garaacay dhiggiisa ugu yaraan toban jeer (10 times). Haddaad ku maal gelisay $10,000 (toban kun oo doolar) shirkadahaas (10X) dhamaadkii 1972, maalgashigaasi.

Sidee loo soo xulay shirkadahan loogu magac daray 10X?

Sannadihii ugu horreeyay ee cilmi baadhista, cilmi baadhayaashu waxa ay ku mashquulsanayeen sidii ay u heli lahaayeen xaaladda 10X (10x cases) iyaga oo tixraacaya dhacdooyinka taariikheed ee waafaqa saddexdan tijaabo:

  1. Marka la barbardhigo suuqa iyo shirkadaha dhiggooda ah, shirkaddaasi waa in ay horumar la taaban karo ku talaabsatay muddo ka badan shan iyo toban sano (15+).
  2. Shirkaddu waa in ay xaqiijisay horumarkan iyada oo jawigu cakiran yahay, oo ay ka buuxaan dhacdooyin aan la maarayn karin, xoog u socda, is bedbeddalaya oo waxyeelo laxaad leh u gaysan karaya.
  3. Shirkaddu waa in ay tahay mid yar ama curdin ah oo ku bilaabmatay xaalad nugul ka dibna noqotay shirkad aad u weyn.

Maxaa ka soo baxay cilmi baadhista?

Waxa lagu ogaaday cilmi baadhista in shirkadaha (10xers) ay wadaagaan astaamo dabeecadeed (behavioral traits) kuwaas oo ka soocay hoggaamiyayaasha dhigooda ah. Shirkadahani waxa ay curiyeen oo ay tijaabiyeen saddexdan dabeecadood oo kala ah: ku talax tag anshaxeed (Fanatic Discipline) hal-abuur cilmi ku dhisan ama caddayn hore loo tijaabiyay (Emprical Creativity) iyo shaki wax soo saar leh (Productive Paranoia). Cilmi baadhistu waxa ay mid mid u dul istaagaysaa saddexdan astaamood:

Ku talxtag anshaxeed (Fanatic Discipline)

Anshax (Discipline) waa joogtayn ficillo, ku sugnaasho qiyam, ku sugnaansho ahdaaf dhaadheer, ku sugnaansho hab, ku sugnaansho habab horumarineed iyo ku sugnaansho wakhti.

Anshaxa dhabta ahi waxa uu u baahanyahay madax bannaanida maskaxda si ay u diido culays kasta oo aan waafaqsanayn qiyamka, hababka horumarka iyo hammiga fogba. Shirkadaha 10Xka, anshaxa ugu wanaagsan waxa weeyi anshaxa nafta (Self Discipline) oo ah in aad leedahay rabitaan nafeed oo aad ku abuuri karto maxsuul weyn, wax kasta oo ay kugu qaadanayso iyo si kasta oo ay u adagtahay.

Shirkadahani waxa ay muujiyeen waxa ay qorayaashu ugu yeedheen fikradda Gaardiska 20-ka Mayl (20 Mile Marching Concept). Gaardiska 20ka Mayl waa uu ka ballaadhanyahay falsafad, waa in aad leedahay habab shaqo oo cad, la taaban karo oo caqli iyo cilmiba ku dhisan kuwaas oo kugu ilaalinaya jidka toosan. Gaardiska 20-ka Mayl waxa abuurta laba nooc oo ah xanuun aad isa saartay (self-imposed discomfort). Ta koowaad waa ka go’naanshaha in aad gaadho horumar la tabaan karo marka ay xaaladuhu adag yihiin iyo ta labaad oo ah in aad hakiso socodka marka ay xaaladuhu sanyihiin.

Hal-abuur wata caddayn hore loo tijaabiyay (Empirical Creativity)

Qorayaashu waxa ay ku macneeyeen caddayn hore loo tijaabiyay (Empirical) isku hallaynta u fiirsasho toos ah (direct observation), fulinta tijaabooyin sax ah ama la macaamilidda caddayn intii aad ku tiirsanaan lahayd fikir ama aragtiyo aan la tijaabin.

Caddaymaha lagu helay cilmi baadhistani ma aha mid taageeraysa aragtida ah in shirkadaha 10X ka ahi ay ka hal-abuur (innovative) badnaayeen dhiggooda, waa ay se ka hal-abuur yaraayeen (innovative) dhiggooda.

Dabacan, ma aha anshaxa oo keliya ka sababa weynida ama horumarka  waxa se keena isku darka anshaxa iyo hal-abuurka.

10xer kasta waa uu sameeyaa khalad, xitaa maraka qaar khalad weyn waxa ay se khaladkooda u arkaan mid qaali ah oo ay wax ka bartaan isla markaana aanay dib ugu celin, halka shirkadaha dhiggoodu inta badan ay ku celceliyaan oo aanay waxba ka baran.

Shaki wax soo saar leh (Productive Paranoia)

Hoggaamiyayaasha 10xku waxa ay mar walba aaminsanaayeen in xaaladuhu ay marwalba is beddeli karaan. Waxa ay aad ugu feejignaayeen xaaladaha isbeddalaya iyaga oo mar walba is weydiinaya maxaa dhici kara, kana sii diyaar garoobaya wakhti ka hor, samaysanayana kayd.

Aragtida maaliyaddu waxa ay leedahay hoggaamiyayaasha lacag badan u dhiga shirkadahoodu waa qayrul masuul xagga horumarinta hantidooda.

Waxaana uu baadhitaan qoto dheer ku samaynayaa xisaabaadka (balance sheet) shirkadaha muddo saddex boqol oo sanadood ah, waxa aanay daaha ka faydeen caddaymo  luxdan oo muujinaya in shirkadaha 10xku ay lahaayeen kayd hantiyeed aad u fara badan.

Shirkadaha 10xku miyay qaateen khatar ka badan ama ka yar dhiggooda?

Qorayaashu waxa ay ogaadeen in hoggaamiyayaasha shirkadaha 10xku ay qaateen khatar ka yar ta ay dhiggoodu qaateen.

Ka faaidaysiga nasiibka (Return on Luck)

Qorayaashu waxa ay go’aansadeen in ay lafogur ku sameeyaan  nasiibka iyaga oo ka duulaya saddexdan su’aalood ee aasaasiga ah:

  1. Nasiibku ma yahay maaddo caam ah ama ku yar taariikhda shirkadaha 10xka iyo dhiggooda?
  2. Door intee leeg buu nasiibku ka ciyaaraa kala tagsanaanta shirkadaha 10xka iyo dhigooda?
  3. Maxay hoggaamiyayaashu ku samayn karaan nasiibka si uu uga caawiyo in ay noqdaan shirkado waaweyn?

Miyay shirkadaha 10xku ka nasiib wanaagsanayeen ama ka nasiib xumaayeen shirkadaha dhigooda ah?

Markii baadigood dhab ah lagu sameeyay arrintaas, cilmi baadhayaashu waxa ay ogaadeen in shirkadaha oo dhami ay la kulmeen nasiib, mid wanaagsan iyo mid xun ba. Caddaymuhu waxa kale oo ay muujinayaan in aan nasiibku sabab u ahayn guusha shirkadaha 10xka ah.

Su’aasha ma aha miyaad nasiib leedahay? Su’aashu waxa ay tahay ma ka faaidaysataa nasiibka?

Cabdiraxmaan Maxamed Sh.Cabdillaahi (Gurey)

www.buugwadaag.net