Colaadaha, Hubka iyo Codeynta Doorashooyinka, Dimuquraaddiyadda iyo Meelaha Halista Badan – Wars, Guns and Votes, Democracy in Dangerous Places

Buugga Colaadaha, hubka iyo codeynta doorashooyinka, dimuquraaddiyadda ee meelaha halista ah – Wars, guns & Votes – Democracy in dangerous places . Waxa qoray Paul Collier. Collier waa dhaqaaleyahan ku xeel dheer arrimaha siyaasadda bulshada iyo dhaqaalaha. Waxa uu hore u qoray buug uu ugu magac daray bottom billion oo uga jeedo dalalka afrika ee darxumada dhaqaale iyo dawladnimo la’aantu daashadeen. Paul waa agaasimaha xarunta daraasaaadka siyaasadda afrika ee jaamacadda oxford, buugganna wuxuu ka koobanyahay 270 bog.

Buuggiisani waxa uu u egyahay mid daba socda buuggaas hore ee Bottom billion, uu se xoogga ku saarayo dimuquraadiyadda, keliteliyaha, colaadaha iyo guud ahaan nidaamka dawladeed ee afrika.

Ugu horreyn waxa uu qoraagu ka hadlayaa kadib gumeystihii reer Yurub ee Afrika iska xoreysay in halgemayaashii xorriyadda intooda badani noqdeen madaxweynayaal isla markaan isku roga kelitaliyayaal qaarkood muddooyin badan joogeen.

Dhammaadkii dagaalka qabow ee horraanta sagaashankii ayuu ka warramayaa iyo sida fekeradda dimuquraadiyaddu afrika u soo gashay. Reer Yurub sida ay xoogga u saareen in afrika laga helo nidaam dimuquraadi ah. Wuxuu soo bandhigayaa in nidaamkaas afrika loo raray uu keliya xoogga saaray DOORASHO. Aad buu u dhaliilayaa oo leeyahay dhammaan dhidibbadii kale ee dimuquraaddiyada waxa lagu iloobay doorasho iyo doorasho xigta. Xorriyaddii hadalka, xoojintii iyo ilalaintii sharciga, isla xisaabtankii iyo guud ahaan ilaalintii doonista dadka.

Waxa uu qoraagu soo bandhigayaa sida doorashada keli ah ee lagu dhegay ay colaado ugu horseedday afrika. Dimuquraaddiyaddu sida ay dalal badan u halis gelisay ayuu ka warramay oo uu tusaaleyaal ka keenayaa. Wuxuu ka warramayaa sida baahida dhaqaale ee bulshooyinka u kordhiso halista colaado ka qarxa dalalkaas.  Haddaba buu leeyahay qoraagu Doorashadu ma aha xalka lagu dirayo keli-taliska bal se waxay siisaa sharciyad iyo dhiirranaan hor leh waxaanay dadka ka mashquulisaa in ay u arkaan keli taliye.

Waxa uu ka warramayaa in si loo helo dimuquraaddiyad sax ah loo baahanyahay in dadku dhaqaale ahaan kobcaan, taas uu soo jeedinayo 4tii sanoba ama 5tii sanoba mar in doorasha la galaa ay sii liciifinayso dhaqaalaha kobcaya ee bulshooyinkaas.

Waxa uu ku doodayaa in doorashadii noqotay hab ay keli-taliyayaashu ku sii xalaashadaan joogista kursiga iyo in bulshooyinkii sii qaybsamaan. Waxa uu ka warramayaa sida doorashadu aanay u ahayn xalka lagaga adkaan karo kaliteiyayaasha afrika, waayo buu leeyahay dadka afrikaanka ahi waa dad u qaybsan isir oo wax ku doorta isir. Tusaale waxa uu u soo qaadanayaa doorashadii Kiiniya 2007. Dhammaan Kuukuyadu waxa ay u codeeyeen Kibaki oo ah qoomiyaddiisa Odingana qoomiyaddiisa Luo ay isaga hal daba la’ ugu codeeyeen. Waxa uu leeyahay qoraagu waa in wacyiga dadku marka hore bislaado si uu u garan karo cidda uu dooranayo isla markaana uu yimaaddo isla xisaabtan dhab ahi. Doorashooyinkaasina waxa uu ka warramayaa sida ay qalaalaase ugu horseedaan bulshooyinka oo dagaallo sokeeye u yimaaddaan.

Arrimaha kale ee xiisaha leh ee uu ka hadlayo waxa ka mid ah Afgembiyada iyo arrimaha ciidammada. Laga soo bilaabo 1945 ilaa 2008 Afrika waxa guulaysatay 82 afgambi, waxa guuldarraystay iyaga oo meel dhexe maraya 109, halka 145 kale iyaga oo qorsheyntii lagu jiro la fashiliyey. Waxa uu ka warramayaa oo si qoto dheer u dhexgalayaa sida afgambiyadu ay u yihiin waran cirka loo tuuray oo aan la garan karin cidda uu ku dhacayo. Mararka qaar kuwa afgambiga isku deyaya ayaa isa sii afgembiya, lama filan karo wixii ka dhacaya qorsheynta ka dib. Waxa uu leeyahay haddii ay ahaan lahaayeen kuwo si miyirqabta loo qorsheeyo ama ugu yaraan millatergu noqdo kuwa aan madaxweynayaashu iska maamulan, Afgembigu waxa uu noqon lahaa xalka keli teliyayaasha iyo in la helo isla xisaabtan.

Waxa uu qoraagu soo bandhigayaa cilmi baadhisyo ay sameeyeen oo muujinaya in madaxweynayaasha ciidammada xoogga saaraa ay u dhowyihiin in ay dhisaan dawlad hagaagsan. Waxa uu leeyahay marka madaxweyne ciidanka xoogga saaro, waxa uu u baahdaa lacag badan, inta bandanna lacagahaas waxa uu ku kordhiyaa cashuuraha shacabka taas oo marka dambe keenta in shacabku isweyddiiyaan lacagta cashuurta ah ee laga qaado iyo halka ay marto. Ugu dambaynna keenta isla xisaabtan. Isla xisaabtankuna waa albaabka dawladnimada suubban iyo in la helo dad danahooda ku salaynaya doorashada iyo go’aannadooda.

Waxa uu ka warramayaa sida ay tahay in dawladaha caalamku aanay marka colaado la daminayo ama laga soo kabanayo u noqon qalbi madax la’, ee ay tallaabooyinka ay qaadayaan ku saleeyaan sidii nabad waarta oo aan keli-taliya dhalin loo heli lahaa.

Saddaam Xuseen Carab

www.buugwadaag.net