Ku soo dhawoow bahda Buugwadaag

Buug-wadaag waa madal la bilaabay 2019, kaas oo soo bandhiga xogta guud ee buugaagta. Qaybta muuqaalka ahi waa bille uu soo saaro Saddaam Carab. Qaybaha kale ee qoraalka ah ama talada buugaagtuna waa kuwo si joogto ah loo baahiyo. Buugwadaag waxa uu leeyahay laba bog oo baraha bulshada ah, Facebook & Youtube Channel. Sidoo kale waxa dhawaan la furay barta Online oo lagu baahiyo faallooyinka, warbixinaha, talooyinka iyo arrimaha la xidhiidha buugaagta. Buug-wadaag waxa loo soo xulaa bugaag xidhiidh la leh xaaladda bulshada iyo buugaagta akhriskooda loo qabo baahida.

Sidoo kale Buugwadaag waa madal agaasinta kulannada dadweynaha ee lagu faaqidayo ama falanqeynayo buugaagta cusub iyo kuwo hore u jiray